WARBIXIN: Real Madrid Oo Ku Dhaw Saxiixa Eden Hazard & Paul Pogba Xilli Uu Gareth Bale Ku Dhawyahay In Uu Kooxda Ka Tago

Kooxda Real Madrid ayaa dareenkeeda u jeedisay sidii ay u dhamaystiri lahayd laba ka mid noqon doona saxiixyada ugu waaweyn suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddigaha kooxaha chelsea iyo Man United ee Paul Poga sida ay sheegayaan wararku.

Los Blancos ayaa weerar suuqa ah ku qaadi doonta premier League soona afduuban doonta laba ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn premier League xilli uu Zidane isku shaandhayn weyn ku samayn doono kooxdiisa.

Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay lacag weyn suuqa galiso si ay mar kale ku soo laabtaan u tartamista koobabka kala duwan oo ayna u tartamin xilli ciyaareedkan.

Los Blancos ayaa kor u qaaday dalabkeedii 100 milyan ahaa ee ay miiska u saartay kooxda chelsea si ay ugu hesho xiddiga Eden Hazard sida uu sheegayo wargayska The Sun.

Sidoo kale waxa ay doonayaan in ay sida ugu deg-dega badan u dhamaystiraan saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba.

Warkan ayaa imanaya markii uu Zidane maamulka kooxda u sheegay in uuna doonayn in uu kooxda ku sii haysto xiddiga garabka ka ciyaara ee Gareth Bale.

Chelsea ayaa iibin doonta Eden Hazard laakiin Kooxda ayaa ku iibin doonta wax ka badan 100 milyan oo euro laakiin waxa la aamisan yahay in 90 ilaa 92 milyan oo euro ay chelsea ku qancin karaan in ay iibiyaan xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.