XOG: Kooxaha Aan Guuldarada Kala Kulmin Garoonkeeda Xilli Ciyaareedkan

Horyaalada kala duwan ee yurub ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo 5-ta horyaal ee kala duwan ku jiraan wakhti xiiso leh waliba kooxaha ka qayb galaya u tartamayaan boosas kala duwan.

Kooxaha kala duwan ee yurub ee horyaalada ugu waaweyn yurub ayaa rikoodho cajiib ah ku leh garoonkooda xilli ciyaareedkan iyaga oo aan guuldarooyin kala kulmin muddo dheer.

Kooxda Barcelona ayaa ah kooxda aan kulamada ugu badan guuldaro kala kulmin garoonkeeda xilli ciyaareedkan iyada oo aan aan wax guuldaro ah kala kulmin 20 kulan ah oo ay ku ciyaartay garoonkeeda xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa ah kooxda ku xigta iyada oo aan wax guuldaro ah kala kulmin garoonkeeda Anfield horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan iyada oo aan 13 kulan wax guuldaro ah kala kulmin garoonkeeda.

Kooxda Werder Bremen ayaa ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo aan garoonkooda wax guuldaro ah kala kulmin 12 kulan oo horyaalka Bundesliga halka ay kooxda RB Leipzing ayaa ku xigta iyaga oo aan 11 guuldaro kaal kulmin garoonkooda.

No photo description available.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.