Alexandre Lacazette Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Arsenal Xilli Lala Xiriirinayo Barcelona

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa fariin u diray taageerayaashiisa xilli lala xiriirinayo kooxda Barcelona.

Wararka ayaa dhawaan sheegayay in ay Barcelona doonayso weeraryahanka reer France ee dhaliyay 19 gool xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Alexandre Lacazette ayaa wararkaas kaga jawaabay in uu ku faraxsan yahay in uu xiiso ka helo kooxda Barcelona xilli ay warka dabka ku sii shiday markii magaca xiddiga lagu arkay Website-ka kooxda Barcelona.

Sidoo kale kooxda Atletico Madrid ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga iyaga oo doonaya in ay badal uga dhigaan xiddiga ay isku dalka yihiin ee Antoine Griezmann.

Laakiin kooxda Arsenal ayaan ogolaan doonin dalab walba oo laga soo gudbiyo weeraryahanka.

Si la mid ah fariintii ugu dambaysay ee uu Alexandre Lacazette soo dhigay Bogiisa Instagram-ka ayaa muujinaya in uuna xiddigu meelna uga socon kooxda Gunners.

Lacazette ayaa soo dhigay sawir xiddigaha ay isku kooxda yihiin oo isku diyaarinaya kulanka Finalka Europa League ay la ciyaari doonaan kooxda chelsea.

Waxa uu soo dhigay sawirka oo ay ku wada jiraan xiddigaha Petr Cech, Granit Xhaka & Henrikh Mkhitaryan isaga oo ku qoray” Guul Fudud”.

Fariinta ka farxisay taageerayaasha Gunners aaya ah in uu Lacazetter garoonka tababarka Arsenal ku tilmaamay” Beertayda”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*