Alexis Sanchez Oo Si Xor Ah Ugu Biiraya Inter Milan & Wakhtiga Lagu Dhawaaqi Karo Heshiiska Oo La Ogaaday

Kooxda Inter Milan ayaa wahadalo horumar leh kula jirta xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Alexis Sanchez sida ay sheegayaan wararku iyaga oo waliba si xor ah kula saxiixan karan.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan doonayso in ay hesho saxiixa xiddiga waliba si toos ah ula wareegto inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Man United ayaa sidoo kale si aad ah u doonaysa in ay iska iibiso xiddiga xitaa hadii ay si xor ah ku fasaxayso si ay u dhinto mushaharkiisa kor u dhaafa 505 kun oo Gini todobaadkii.

Sababta oo ah heshiiska amaahda ah waxa ay ku qasbanaan doontaa in ay kala badh bixiso mushaharka xiddiga reer chile.

Saxafiga Adm Crafton oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Inter Milan ayaa wadahadalo meel fiican maraya kula jirta Alexis Sanchez iyo Man United”.

“Waxa ay haatan raadinayaan wado ay si toos ah ugula wareegaan xiddiga iyo waliba in ay heshiiska ku dhawaaqaan bilowgia bisha July”.

“Hadii ay United amaah ku dirto xiddiga waxa ay u baahan yihiin in ay sanadkii miiska u saaraan mushahar dhan 10 milyan oo euro oo ah qaybta ay bixinayaan mushaharkiisa”.

“Sidaas darteed Man United ayaa diyaar u ah in ay khasaareheeda Aqbasho waliba si xor ah ku fasaxdo xiddiga si ay u dhimaan mushaharkiisa waalida ah”.

Wakiilka Sanchez ayaa haatan ku sugan Italy waxana uu isku dayayaa in uu xiddiga uu wakiilka u yahay ka caawiyo in uu dib ugu laabto horyaalka Serie A-da.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.