Antoine Griezmann Oo Ku Buuri Karaa Liverpool Inkasta Oo Uu Xiiso Ka Helayo Barcelona

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa lagu soo waramayaa in uu ku biiri karo kooxda Liverpool inkasta oo lala xiriirinayo kooxda Barcelona sida ay sheegayaan wararka ka imanaya England.

Antoine Griezmann ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Atletico Madrid Dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib fariin qiiro leh oo uu Twitter-ka soo dhigay xalay.

Kooxda Barcelona ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga reer France iyaga oo xitaa ku dhawaaday helitaanka adeegiisa suqii xagaagii ka hor intii uuna go,aansan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Ateltico Madrid.

Barcelona ayaa la filayaa in ay mar kale ku soo laabto baacsiga xiddiga iyo waliba in ay markan hesho adeega xiddiga marka loo eego in ay ka hadheen champions League si aad ahna u doonayaan in ay xoojiyaan kooxda.

Laakiin wargayska ESPN ayaa sheegaya in uu xiddigu si lama filaan ah ugu biiri karo kooxda Liverpool xilli ay Reds iyo Jurgen Klopp suuqa ka raadinayaan xiddig weyn oo ay kooxda ku xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Jurgen Klopp ayaa aaminsan doonaya in uu Griezmann ku xoojiyo kooxdiisa si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartanto horyaalka premier League kaas oo ay ku dhawaatay in ay ku guulaysato xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*