Arsenal Oo Xadiday Qiimaha Ay Ku Fasixi Karaan Mohamed Elneny , Laacibka Waa La Dirayaa.

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in Arsenal ay damacsan yihiin in ay xagaaga ka kaaftoomaan Mohamed Elneny .

Wiilkaas reer Masar ayaa ka sheeganaya kursiga keydka Arsenal waxa aynaa tani timid tan iyo markii macalinka cusub uu qabtay kooxdaas

Mohamed Elneny ayaa xilli ciyaareedkaan u saftay Arsenal kaliya 17 kullan dhamaan tartamada waxa ayna badankoda ahaayeen kuwo uu ku soo galay qaab badal ah .

Shabakada London Football ayaa sheegeysa in maamulka Arsenal haatan si weyn uga fikirayaan in laacibka soo dhigaan suuqa xagaaga

Qiimaha maamulka Arsenal ku qiimeyaan laacibkaas Masar ayaa ah mid gaaraya 15 milyan oo euro.

Mohamed Elneny ayaa Arsenal u yimid xagaagii 2016-ka xilligaas oo uu 12.5 milyan oo euro uga so wareegay kooxda Basel

Waxaa la xusayaa in hishiiskiisa Arsenal uu haatan sii jirayo illaa iyo xagaaga 2022-ka ka dib markii uu qalinka ku duugay mid cusub bishii March ee sanadkii hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.