Atlletico Madrid Oo Badalka Griezmann Ka Ishaarataya Horyaalka Italy Balse Koox Ingiriis Ah Ayaa Ku Cariirineysa

Atletico Madrid ayaa lagu waramayaa in ay si weyn u xiiseynayaan in ay dalab ka geeyaan Paulo Dybala si uu badal ugu noqdo Griezmann kaasi oo si cad u sheegay in uu ka huleelayo kooxda xagaagaan

Ka dib shan sano oo uu kooxda ku qaatay Griezmann waxa uu cadeeyay in uu doonayo in uu baxo xagaagaan balse qiimihiisa waxa uu kooxda 1-da July u dhacayaa 104 milyan oo euro

Wargeyska AS ayaa sheegaya in Atletico ay durba ay bilaabeen in ay xariir la sameeyaan wakiilka laacibkaas reer Argetina si loogu qanciyo in uu Atletico Madrid u soo wareego .

Paulo Dybala ayaa qudhiisa diidaneen in uu baxo maadaaama tan iyo markii uu Ronaldo tagay Juventus waxa uu waayay mudnaanta

Los Rojiblancos waxa ay loollan la galeysa Man United kuwaasi oo doonaya in ay dalab rasmi ah ka geeyaan Los Rojiblancos balse labada koox ma sheegin qiimaha ay ku bixinayaan laacibkaas.

Paulo Dybala ayaa xilli ciyaareedkaan Juventus u dhaliyay 10 gool ka dib 37 kullan oo horyaalka iyo Champion-ka ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*