Barcelona Oo Cadeysay Go`aankooda Aadan Mustaqbalka Tababare Valverde , Miyuu Baxayaa Mise?

Madaxa kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa daboolka ka qaaday mowqifkiisa ku aadan in tababare Ernesto Valverde uu kooxda sii laylio .

Warar kala duwan ayaa hareeyay mustaqbalka Ernesto Valverde ee Barca kuwaasi oo tilmaamayay in uu u dhaw yahay in uu baxo xagaagaan ka dib markii ay ka soo hareen Champion-ka

Josep Maria Bartomeu ayaa ka sheegay wargeyska AS ” Ernesto Valverde waxa uu taageero ka haystaa maamulka kooxda , waa nooca tababaraha aan dooneyno”

” Hishiiskiisa ma dhawa waana ku faraxsanahay in uu kooxda sii layliyo” ayuu sii raaciyay madaxa kooxda Barcelona
Mar uu ka hadlayay hishiisyada la filayo in ay Barca soo sameeyaan xagaagaan ayuu Josep Maria Bartomeu yiri “qorshayaasha xilli ciyaareedka dambe si wacan ayay u socdaan , arimaha suuqa waxaana si wacan uga hadleynaa ka dib finalka Cope Del Rey”.

Barcelona ayaa 25-ka bishaan waxa ay finalka Cope Del Rey isku arkayaan kooxda Valencia

7 Comments

    • Walaahi waa tababare fican. Nasiibka ayaa dhirbaxey Mooye.
      Anu ababakar ahaan waxaa ka amisanahay inuu yahay
      Tababare degan khibrad leh xirfad leh xigmad leh xushmad leh

  1. Anii Liverpool ayaa tageer uu noqon hadii uu Kan sii jogo hlkaas. Waan bln inaa sandka danben reebno bajaqnol

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*