Barcelona Oo Real Madrid Kula Biirtay Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Paul Pogba & Qorshe Ay U Dagsatay Si Ay Ugu Garaacdo Adeegiisa

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay Kooxda Real Madrid kula biirtay tatranka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga koobka adduunka kula guulaystay xulka France isaga tagi karo kooxda ku ciyaarta Old Trafford markii 2-aad.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona isha ku hayso in ay 130 milyan oo euro ka gudbiso xiddiga 26 jirka ah.

Barcelona ayaa xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic u adeegisan doonta sidii ay Real Madrid ugu garaaci lahayd saxiixa xiddiga reer France.

Man United ayaa dhankeeda xiiso u muujisay saxiixa xiddiga reer Croatia waxana ay Barcelona lacag iyo waliba xiddigaas isugu dari doontaa si ay u hesho adeegiisa marka la gaadho xagaaga.

Pogba ayaa si weyn loola xiriirinayay todobaadyadii ugu dambeeyay xilli uu tababare Zidane si aad ah u doonayo in uu xiddiga ay isku dalka yihiin ku xoojiyo kooxdiisa xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*