Barcelona Oo Xaqiijisay In Goolhaye Ter Stegen Uu Dhaawacan Yahay , Imisa Ayuu Garoomada Ka Maqnaanayaa ?

Kooxda Barcelona ayaa shaaca ka qaaday in goolhayahooda Marc-André ter Stegen uu ka sheeganayo dhaawac jilibka ah .

Sidaa dareed waxaa la xaqiijiyay in goolhayaha uu ka maqnaanayo kulanka ugu dambeeya La Ligaha ee ay la ciyaarayaan kooxda Eibar kaasi oo dhacaya axadda .

Wargeyska Sport ayaa sheegaya in mudada maqnaashaha laacibka ay ku xernaan doonto sida uu u u soo kabsado Marc-André ter Stegen kaasi jilbka middig laga hayo.

” Waxaan rajeyneynaa in maalmaha soo socda uu soo kabsado” ayaa si kooban loogu yiri qoraal ka soo baxay Barca .

Sidaas oo ay tahay waxaa laga baqayaa in uu seego kulanka finalka Cope Del Rey ee 25-ka bishaan ay la ciyaarayaan kooxda Velancia .

Goolhaye Jasper Cillessen ayaa la filayaa in uu ialalo ka noqdo goosha Barca kulanka Eibar ee ugu dambeeya horyaalka Spain .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*