Bayern Munich Oo Dalab Lama Filaan Ah Ka Gudbisay Leroy Sane & Qaabka Uu Faa,iidada Ugu Yahay Man United.

Kooxda Bayern Munich ayaa si lama filaan ah dalab uga gudbisay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man City ee Leroy Sane sida uu sheegayo wargayska Daily Record.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich ayaa ogolaansho loo siiyay in ay la hadlaan xiddiga reer Germany marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Hadii ay Bayern Munich hesho xiddiga waxa ay si weyn u caawin doontaa Man United iyo tartanka ay ugu jirto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lille ee Nicolas Pepe.

Bayern Munich ayaa la aaminsan yahay in ay isaga hadhay xiisaha Nicolas Pepe si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Sane si ay badal ugu dhigaan Arjen Robben taas oo u fiican Man United.

Dhanka kale Man City ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga Sane laakiin ma doonayso in uu hehsiiska xiddigu dhoco sidaas darteed waxa ay doonaysaa in ay lacag fiican ku iibiyaan kadib markii uu diiday heshiiska cusub.

Heshiiska haatan ee Sane ayaa dhici doona xagaaga 2021 waxana uu sheegay in uuna ku faraxsanayn doorka kaydka ah ee uu ka ciyaaro kooxda Tababare Pep Guardiola.

Bayern Munich ayaa saxiixa xiddiga u wayday markii uu ku soo biirayay city xagaagii 2016 waxana laga yaabaa in ay haatan helaan ugu dambayn 3 sano kadib markii ay waayeen adeegiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*