Bayern Munich Oo Doonaysa Tababarayaasha Lopetegui & Ten Hag Si Ay Ugu Badasho Kovac

Tababaraha Kooxda Bayern Munich ee Niko Kovac ayaa laga yaabaa in uu isaga tago kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee Julen Lopetegui Iyo tababaraha haatan ee kooxda Ajax ee Erik ten Hag bartilmaameed u yihiin kooxda si ay ugu badasho tababarha.

Tababaraha Ajax ee Erik ten Hag ayaa ka soo shaqeeyay da,yarka kooxda Bayern Munich markii uu Pep Guardiola hogaaminayay kooxda 1-aad waxana shaqada laga caydhiyay kadib markii uu kooxda da,yarka ku hogaamin waayay guulo.

Dhanka kale Lopetegui ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii laga caydhiyay shaqada Real Madrid waxana la sheegayaa in uu wadahadalo la qaatay agaasimaha kooxda Bayen Munich.

Agaasimaha Bayern Munich ayaa la sheegayaa in uu Xiddiga Real Madrid ee Toni Kroos wax ka waydiiyay tababaraha kaas oo xiddiga soo maamulay bilihii uu tababaraha u ahaa Real Madrid.

Hogaamiyayaasha Horyaalka Bundesliga ayaa si aad ah u qiimeeya tababare Lopetegui waxana ay doonayaan in ay ka dhigtaan tababarohooda xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*