Chelsea & Man United Oo Barcelona Ka Afduuban Kara Saxiixa Antoine Griezmann, Maxaa Soo Kordhay?

Kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa si lama filaan ah isha ugu haya in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Xiddiga reer France ayaa shaaciyay in uu isaga tagi doono Atletico Madrid xagaaga xilli ay kooxda Barcelona ugu cad-cadahay in ay la saxiixato xiddiga 28 jirka ah.

Haatan war cusub oo ka soo baxaya Spain ayaa sheegaya in uu Griezmann xor u yahay in uu ku biiro koox kasta oo uu doonayo xilli ay sidoo kale Paris Saint-Germain ku jirto tartanka.

Saxafiga reer Spain ee Gerard Romero ayaa yidhi”Barcelona wax heshiis ah lama gaadhin Griezmann”.

“Waxa uu yaalaa suuqa, PSG iyo waliba kooxaha Premier league ee chelsea iyo Man United ayaa xiiso u qaba”.

Griezmann ayaa xagaagii hore ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda Barcelona laakiin xiddiga ayaa ugu dambayn go,aansaday in uu qalinka ku duugo heshiis cusub oo Atletico Madrid ah.

Laakiin Barcelona ayaa haatan tartan adag kala kulmaysa kooxaha premier League iyo waliba PSG hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.