Chelsea Oo Qoraal ka Soo Saartay Dhaawacii Ruben Loftus-Cheek , Imisa ayuu Garoomada Ka Maqnaanayaa?

Kooxda Chelsea ayaa war rasmi ah ka soo saartay xaaladda dhaawac ee xiddigooda Ruben Loftus-Cheek kaasi oo lagu haleelay kulankii shalay ee ay Mareykanka ku ciyaareen .

Ruben Loftus-Cheek ayaa dhameysan waayay kulankaas saaxibtinimo ee ay Chelsea la ciyaartay New England Revolution xilligaas oo ay ku badiyeen sedex gool oo nadiif ah

Chelsea wax a ay sheegeen in laacibka dhaawac tarar ah uu ka galay canqawga isla markaan yahay mid xooggan .

Sidaas dartred waxa uu ka maqnaanyaa kulanka 29-ka bishaan ay kooxdiisa la ciyaarayaan Arsenal ee finalka Europa League

Sidoo kale kama qeyb galayo kulamda qaramada yurub ee qarabkiisa ingiriiska

Waxa ay Chelsea sheegeen in laacibka haatan loo sameynayo marxlad uu ku soo kabsdo xagaaga si uu dhawaan tababarka u bilaabo balse si dhab ah uma aysan sheegin mudada uu garoomada ka maqnaan karo xilli la xusayo in inta ka harsan sanadka uusan cagta soo saari doonin garoomada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.