CODAYN: Taageerayaasha Man United Oo U Codeeyay Xiddigaha Ay Doonayaan In Laga Iibiyo Kooxda Xagaaga

Taageerayaasha Kooxda Man United ayaa doortay ama u codeeyay xiddigaha ay doonayaan in laga iibiyo kooxda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee maanta Sida Rasmiga ah u Furmay.

Kooxda Man United ayaa guuldaro ceeb ka soo raacday ku xidhatay ama ku dhamaystay horyaalka premier League kadib markii ay guuldaro 2/0 ah kala kulmeen kooxda wakhtiga hore ka hadhay Premier league ee Cardiff kulan waliba ka dhacay Old Trafford.

Taageerayaasha Man United ayaa Xiddigaha Paul Pogba iyo Romelu Lukaku ugu horaysiiyay xiddigaha ay doonayaan in ayna mar kale ku sii arkin maaliyada kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa xiddigihiisa uga digay in ay kala badh wajahayaan in laga diro kooxda kadib markii ay hal kulan badiyeen 12-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Codaynta ayay ka qayb qaateen in ka badan 3,000 oo taageere kuwaas oo doortay xiddigaha ay doonayaan in laga iibiyo kooxda iyo waliba kuwa ay doonayaan in ay ku sii hayaan kooxda.

Shaki la,aan Alexis Sanchez ayaa codka ugu badan helay in la iibiyo xagaaga iyada oo ay 89% taageerayaashu u codeeyeen in uu isaga tago kooxda halka ay kaliya 11% u codeeyeen in fursad kale la siiyo xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga daafaca uga ciyaara United ee Smallinga ayaa ku xiga isaga oo ay 70% u codeeyeen in laga iibiyo kooxda xagaaga halka ay 30% u codeeyeen in aan laga iibin kooxda ee uu sii joogo.

Lukaku oo ku xiga ayaa helay 69% kuwaas oo u codeeyay in la iibiyo weeraryahanka halka ay 31% u codeeyeen in fursad la siiyo si uu isku muujiyo.

Xiddigaha Khadka dhexe ee Matic iyo Pogba ayaa helay codad kala ah 55% oo matic ah iyo 52% Pogba kuwaas oo doortay in la iibiyo.

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo Sida ay xiddigaha kale taageerayaashu ugu codeeyaan:

Keep: Ha sii joogo

Cull: Hala iibiyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.