Dhirbaaxo: Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo Muddo Sanad Ah Dhaawac Ku Maqnaan Doona Todobaadyo Ka Hor Finalka Europa League

Kooxda chelsea ayaa la kulantay dhirbaaxo xun kadib markii uu dhaawac xun ka soo gaadhay xiddig u ciyaaro laba todobaad ka hor finalka tartanka Europa League ee xilli ciyaareedkan ay la ciyaari doonto kooxda Ay jaarka yihiin ee Arsenal.

Chelsea ayuu dhaawac xun ka soo gaadhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara eeRuben Loftus-Cheek kaas oo wajahaya in uu garoomada ka maqnaado muddo sanad ah kadib markii ay go,day kuraantu.

Xiddiga khadka dhexe ayuu dhaawac halis ah ka soo gaadhay kulankii saaxiibtinimo ee ay kooxda chelsea la ciyaartay kooxda New England Revolution in Boston.

Loftus-Cheek ayaa haatan garoomada ka maqnaan doona muddo 6 bilood ilaa 12 bilood u dhexaysa taas oo la macno ah in uu sidaas ku dhamaaday xilli ciyaareedkiisu.

Shaqaalaha caafimaadka kooxda chelsea ayaa baadhitaan ku samayn doona xiddiga hadii uu dhaawacu yahay sida laga cabsi qabo xiddiga ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo sanad ah.

Xiddiga ayaa xilli ciyaareedkan ka qayb noqday shaxda tababare Sarri isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana ay chelsea qorshaynaysay in uu ka mid noqdo xiddigaha joogtada ugu ciyaara kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.