Eintracht Frankfurt Oo Ka Hadashay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Ay Real Madrid Saxiixa Luka Jovic Ku Dhawaaqi Doonto

Wararka ka imanaya Germany ayaa saacadihii ugu dambeeyay isla dhex marayay in ay kooxda Real Madrid weeraryahanka kooxda Eintracht Frankfurt ee Luka Jovic ku dhawaaqi doonto maalmaha yar ee soo socda.

Shabakada Sky Sport qaybteeda Germany ayaa sheegtay in ay kooxda Real Madrid saxiixa Luka Jovic kala heshiisay kooxda Eintracht Frankfurt iyaga oo xiddiga kula wareegi doona lacag dhan 60 milyan oo euro.

Laakiin wargayska Bild ayaa saaka shaaca ka qaaday in ayna waxba ka jirin wararkaas oo ayna Kooxda Real Madrid wax heshiis ah la gaadhin kooxda Eintracht Frankfurt kuna saabsan saxiixa Jovic.

Ilow wareedyo ku dhaw kooxda ayaa wargayska Bild u sheegay in ay kooxda Eintracht Frankfurt beenisay wararka sheegaya in uu Jovic ku biiri doono Real Madrid todobaadka dambe.

Ilo wareedyada ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu xiddiga Luka Jovic wali yahay xiddig Eintracht Frankfurt ah walibana ayna jirin wax koox ah oo ay kala heshiiyeen adeegiisa.

Luka Jovic ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan taas oo keentay in uu xiiso ka helo kooxaha ugu waaweyn yurub kuwaas oo doonaya adeegiisa xagaaga.

2 Comments

  1. Nio waxan aad soo qorteen wa markii imisaad eed nagu soo celisen wa markii labaad een aan akhrinayno un malinnhorena intaa unbaad soo dhigteen waad soo copy gareyseen un

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*