Jose Mourinho: Lionel Messi Xaq Uma Lahan Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon d’Or, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah

Tababare Jose Mourinho ayaa waraysi siiyay idaacada Radio Monte Carlo isaga oo ka hadlay waxayaabo badan oo kubada cagta ah kana mid tahay xiddiga uu fikirkiisa aaminsan yahay in uu u qalmo abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka.

Jose Mourinho ayaa sheegay in ay fursadihii Lionel messi ee ku guulaysiga abaalmarintu hoos u dheceen kadib markii ay kooxda Barcelona si xun uga hadhay tartanka champions League.

Xiddiga reer Argentine ayay arimuhu ku xumaadeen kadib markii uu bartilmaameed u noqday taageerayaal badan kadib qaabkii liitay ee uu soo bandhigay kulankii 2-aad ee Liverpool.

Mourinho oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Kadib bixitaankii champions League waxa aan ka shaki qabaa in uu Lionel messi xaq u leeyahay ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or-ka sanadkan”.

“Hadii aad doonayso in aad ku guulaysato abaalmarinta waa in aad noqoto guulayste laakiin aanad noqon xiddig iska caadi ah, ma noqon kartid midka ugu fiican adiga oo aan ku guulaysan waxyaabo waaweyn”.

“Waxa aan ka shaki qabaa in uu Lionel Messi u qalmo abaalmarinta Ballon d’Or sababta oo ah waxa aan dhamaanteen aaminsan yahay in uu wali ku fashilmay ku guulaysiga champions League, si aad ugu guulaysato abaalmarinta waa in aad ku guulaysato champions League”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*