Juventus Oo Laba Xiddig U Soo Bandhigtay Man United Si Ay Uga Helaan Paul Pogba.

Kooxda Juventus ayaa dalab miiska u saartay kooxda Man United si ay uga hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy.

Mustaqbalka Paul Pogba ee Man United ayuu shaki weyn ku jiraa sabab la xidhiidha in uu doonayo in uu isaga tago kooxda kuna biiro koox kale xilli ay saxaafada yurub hadal hayaan laba koox oo uu xagaaga ku biiri karo.

Xiddiga reer France ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda ku ciyaarta Old Trafford xagaaga kadib markii ay kooxdu ku fashilantay in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Inkasta oo ay Real Madrid xiiso waali ah u qabto saxiixa xiddiga hadana waxa aan meesha laga saari karin ku laabashadiisa kooxda Juventus kadib markii ay Juventus dalab weyn miiska u saartay.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus diyaar ula tahay Man United xiddigaha Paulo Dyabala iyo Douglas Costa si ay iyaguna u helaan saxiixa Paul Pogba.

Laakiin Wargayska ayaan sheegin in ay heshiiska la socon doonto wax lacag ah oo labada dhinac midkood bixinayo si loo dhamaystiro heshiiska 3-da xiddig.

Maamulka Juventus ayaa go,aansaday in ay iska iibiyaan labada xiddig ee Douglas Costa iyo Paulo Dyabala sabab la xidhiidha in ayna ku jirin qaab ciyaareed fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*