Koox Italy Ah Oo ka Shaqeyneysa In Coutinho Ku Celiyaan Horyaalka Serie A

Barcelona ayaan weli go`aansan go`aankooda la xariira waxa ay ka yeelayaan ciyaaryahankooda Coutinho .

Wiilkaas reer Brazil ayay warar badan tilmaamayaan in uu qalcadda Camp Nou uu ka huleelayo xagaaga .

Daily Mail ayaa sheegeysa in Chelsea ay xiiseynayaan saxiixa laacibkaas balse ganaaxa suuqa ka saaran ayaa wiiqaya damacaas .

Balse saxaafadda Italy ayaa tilmaameysa in Juventus ay haatan si weyn uga fikirayaan in ay xagaaga la soo hishiiyaan Coutinho .

Coountinho ayaa yaqaan hawada horyaalka Italy isaga oo u soo ciyaaray Inter Milan ka hor inta uusan u soo wareeggin Liverpool

Barca ayaa Coutinho la soo wareegtay bishii January ee sanadkii 2018-da

Xiddigaan oo ay sidoo kale dooneyso kooxda United ayaa xilli ciyaareedkaan Barca waxa uu u saftay 34 kullan La ligaha ah halka uu u dhaliyay shan gool waxa uuna sameeyay laba kale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.