Koox Liverpool Ka Diiday In Ay Kulan Saaxiibtinimo La Ciyaarto Ka Hor Finalka Champions League, Sabab

Kooxda Liverpool ayaa laga diiday kulan saaxiibtinimo ah oo ay isugu diyaariso finalka tartanka champions League kaas oo 1 bisha June lagu ciyaari doono caasimada Madrid ee dalka Spain.

Kooxda uu hogaamiyo tababare Jurgen Klopp ayaa Dalab kulan saaxiibtinimo ah ka gubisay kooxda reer Holland ee AZ Alkmaar laakiin kooxdaas ayaa iska diiday dalabkaas.

Klopp ayaa doonayay in uu kooxdiisa ku tijaabiyo kulan saaxiibtinimo ka hor finalka tartanka champions League si uu u hubiyo fursadna u siiyo xiddigaha sida Firmino oo dhaawac ka soo kacay.

Sababta ay kooxda AZ u diiday dalabka Liverpool ayaa ah in ay xiddigeheedu bilaaban doonaan fasaxa xagaaga kadib markii ay kaalinta 4-aad kaga dhamaysteen kala saraynta horyaalka Holland.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay Liverpool kooxda AZ waydiisatay in ay Kulan Saaxiibtinimo ah kula ciyaaraan Spain todobaad ka hor Finalka champions League.

Laakiin kulanka ayaan la fiicnaan kooxda AZ maadama ay xiddigeheedu ku maqan yihiin fasaxa kuna ciyaari karin xiddigo aan ahayn kuwoo awood leh oo iska celin kara kooxda Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*