Liverpool Oo Real Madrid Ku Qasabtay In Ay Badasho Wakhtigii Ay Ku Dhawaaqi Lahayd Saxiixa Eden Hazard

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay Kooxda Real Madrid ku qasabtay in ay badasho qorsheheeda ay ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga Eden Hazard sida ay sheegayaan wararku.

Liverpool ayaa qaadan doonta xagaa aan mashuul ahayn kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay soo qaadatay Laakiin kooxda chelsea ayaan la filayn in ay daganaan ka jirto dhanka suuqa kala iibsiga.

Wargayska Express Sport ayaa fahamsan in ay chelsea haatanba qirtay in ay xiddigeeda Eden Hazard u waayayso Real Madrid marka la gaadho suuqa xagaaga.

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa xiddiga reer Belguim si ay ugu badalaan Cristiano Ronaldo oo sanad ka hor ka tagay kooxda Kuna biiray Juventus.

Real Madrid ayaa markii hore doonaysay ama qorshaysay in ay saxiixa Hazard ku dhaawqdo 2 bisha June hal maalin kadib Finalka champions League waxana ay Real Madrid u malaynaysay in ay Barcelona ciyaari doonto finalka.

Barcelona ayaa 3/0 ku garaacday Liverpool kulankii lugtii hore ee Semi-finalka champions League laakiin Reds ayaa Finalka gaadhay kadib markii ay 4/0 ku garaacday Barcelona kulan ka dhacay Anfield.

Haatan wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in ayna Real Madrid ku deg-degii ku jiray markii hore si ay ugu dhawaaqdo saxiixa Eden Hazard.

Hadii ay Barcelona ku guulaysan lahayd Champions League kooxda Tababare Zidane ayaa doonaysay in ay isku ilowsiiso ku dhawaaqista iyo soo bandhigista saxiixa Eden Hazard laakiin haatan Real ayaa badashay qorsheheeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*