Liverpool Oo Si Cad U Diiday In Ay Fasaxdo Xiddigeed Xagaagan

Xiddig Liverpool u ciyaara kooxda Liverpool ayaa lala xiriirinayaa in uu ka tagayo kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka England.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa xiiso ka helaya kooxda PSG kuwaas oo doonaya adeega xiddiga reer Brazil inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Laakiin wargayska Daily Express ayaa sheegaya in ay kooxda uu hogaamiyo Jurgen Klopp kooxda PSG si cad ugu sheegtay in ayna ka gikirayn in ay iska iibiyaan xiddiga reer Brazil.

Roberto Firmino ayaa door muhiim ah ka ciyaara kooxda Liverpool isaga oo ah xiddig laf dhabar u ah kooxda Jurgen Klopp wakhti xaadirkan waliba ka mid ah qorshaha tababarahaha reer Germany.

Firmino ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda intii lagu jiray xilli ciyaareedkan isaga oo lamaane cajiib ah la abuuray xiddigaha Mohamed Salah iyo Sadio Mane xilli ciyaareedkan.

PSG ayaa Firmino u doonaysa in ay ka dhigto badalka Edison Cavani kaas oo doonaya in uu isaga tago kooxda PSG inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin Liverpool ayaa si cad ugu sheegtay in ay iska iloobaan saxiixa xiddiga 27 jirka ah maadama uuna meelna uga socon kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.