Lixda Xiddig Ee Ay Taageerayaasha Arsenal U Codeeyeen In Laga Iibiyo Kooxda Xagaaga

Kooxda Arsenal ayaa qaadan doonta xagaa xiiso leh xilli uu Unai Emery dib u dhis ku samayn doono kooxdiisa iyada oo waliba la siiyay lacag aad u yar.

Kadib amrkii ay seegeen champions League waxa ay u muuqataa in uu Emery wajiyo cusub ku soo dari doono kooxdiisa inkasta oo laga yaabo in ay jiri doonaan xiddigo ka tagi doona kooxda.

Waxa aan haatanba ognahay in ay kooxda ka tagi doonaan xiddiga Aaron Ramsey oo ku biiray Juventus iyo Danny Welbeck oo isna ka tagi doona kooxda marka uu dhoco heshiiskiisu.

Taageerayaasha Gunners ayaa doortay xiddigaha ay doonayaan in ay ka tagaan kooxda kadib markii uu wargayska Football London waydiiyay codayn.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ee xorta ugu soo biiray xagaagii hore ee Stephan Lichtsteiner ayaa ah xiddiga ugu badna ee ay taageerayaashu doonayaan in uu isaga tago kooxda iyada oo in ka yar 2% ay u codeeyeen in uu sii joogo kooxda.

Waxa Liiska xiddigaha ay taageerayaashu doonayaan in laga iibiyo kooxda kula biiray xiddigaha Mohamed Elneny, Shkodran Mustafi, Carl Jenkinson, David Ospina & Henrikh Mkhitaryan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*