Luka Jovic Oo Iska Diidaya Ku Biirista Man United Si Uu Ugu Biiro Chelsea & Hal Arin Oo Sabab U Ah

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United kaga horayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Eintracht Frankfurt ee Luka Jovic inkasta oo ay Blues suuqa ka ganaaxantahay sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda chelsea ayay FIFA ka ganaaxday suuqa wakhti hore oo xilli ciyaareedkan ah sabab la xidhiidha saxiixa ay la soo saxiixatay xiddigo da,yar ah oo Ajanabi ah.

Kooxda aya wali ku rajo weyn in ay racfaan ka qaadato ganaaxa dibna isaga dhigto iyada oo Racfaankeeda u gudbisay Maxkamada sare ee kubada cagta ee Court of Arbitration for Sport.

Chelsea ayaa loo ogolaan doonaa in ay ugu yaraan xagaaga dib u dhigto ganaaxeeda ay saxiixyo fiican u samayso amrka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaagan.

Hadii Ganaaxa dib looga dhigo chelsea ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Jovic.

Wargayska Football.London ayaa sheegaya in ay jirto hal arin oo uu xiddiga reer Serbia isaga diidayo ku biirista kooxda Man United una doonayo in uu ku biiro chelsea xagaaga.

Arintaas ayaa ah champions League oo ay chelsea u soo baxday xilli ciyaareedka dambe laakiin United seegtay kadib markii ay kaalinta 6-aad kaga dhamaystay kala saraynta horyaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*