Macsalaama : Arjen Robben Oo Ka Tagay Bayern Munich , Imisa Koob Ayuu La Qaaday Mudadii Uu La Joogay

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Arjen Robben ayaa ku biiray liiska xiddigaha Bayern Munich ka huleelay dhamaadka xilli ciyaareedkaan , waxaana xiddigaha kale ee baxaya kala yihiin Frank Ribery iyo Rafinha

Xidigaas reer Holland ayaa Munich u yimid 10 sano ka hor gaar ahaan sanadkii 2009-kii xilligaas oo uu 25 milyan oo euro uga soo wareegay kooxda Real Madrid

Xilli ciyaareedkaan inta badan waa uu ka maqnaa garoomada waxaana u sabab u ahaa dhaawacyo ragaadiyay waxa uuna 35 sano jirkaas kaliya saftay 11 kulan oo horyaalka Jarmalka ah iyo afar kullan oo Champion-ka ahaa .

Kulan wareed ayuu Arjen Robben ka yiri ” dhaba ahan wan ku raaxeystay mudadii aan ku qaatay Munich , taagerayaashana waxa ay ii muujiyeen qadarin weyn”.

Arjen Robben mudadii uu joogay Muncih dhowr koob ayuu la qaaday koxodaas xilli 2013-kii uu kula dabaal degay Champion-ka halka horyaalkana uu la qaaday 7 jeer

Waxa xusid mudan in laacibkaas reer Holland uu Munich u saftay 307 kullan dhamaan tartamada waxa uu dhaliyay 143 gool halka 101 kalana uu sameeyay

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*