Man City Oo Qarka U Saaran In Laga Ganaaxo Champions League Kadib Markii Lagu Helay In Ay Jabisay Xeerka Dhaqaale Wanaaga

Kooxda Man City ayaa wajahaysa suurtagalnimo dhab ah oo looga ganaaxayo tartanka champions League kadib markii lagu helay in ay jabisay xeerka dhaqaale wanaaga UEFA.

Man City ayaa lagu helay dambiga ah in ay jabiso xeerka dhaqaale wanaaga UEFA Iyaga oo haatan wajaaya in laga ganaaxo tartanka champions League.

UEFA ayaa saaka xaqiijiyasay in ay Kooxdii baadhitaanka ku waday Man City ku heshay dambi ah in ay jabisay xeerka dhaqaale wanaaga ee FFP Regulatins.

Xiriirka kubada cagta yurub ayaa warbixin ku yidhi” Kooxda maamusha dhaqaalaha, Madaxa baadhitaanka ayaa la wada xaajooday baadhayaasha madaxa banaan Maanta kadib markii la soo afjaray baadhitaan ku socday kooxda Man City”.

“Maamulka Dhaqaalaha ayaa baadhitaan ku furay kooxda Man City 7 bishii March 2019 iyaga oo ka baadhayay in ay jabiyeen xeerka dhaqaale wanaaga kadib markii Kooxda lagu soo eedeeyay dambiga oo ay qoreen warbaahinta”.

UEFA yaa sheegtay in ayna wax intaas ka badan sheegi doonin ilaa inta go,aanka ugu dambeeya laga gaadhayo arintas taas oo noon doonta muddo todobaadyo ah.

Laakiin waxa la rumaysan yahay in xubno ka kooban 8 qof oo uu ku jiro gudoomiyihii hore ee kooxda Liverpool ee Rick Parry ay UEFA kula taliyeen in la ganaaxo kooxda Man City.

Man City ayaa haatan khatar ugu jirta in laga ganaaxo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe iyada oo la sugayo go,aanka UEFA ee arintan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*