Man City Oo Qorshaynaysa In Ay Barcelona Ka Hor Qaado Antoine Griezmann, Maxay Damacsantahay.

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa dhawaan xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Atletico Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer France ee xulka qarankiisa ku hogaamiyay koobka adduunka ayaa isaga tagi doona Atletico Maalmaha soo socda maadama uu si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda Man City ayaa si lama filaan ah u soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Antoine Griezmann kaas oo ay doonayaan adeegiisa inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay kooxda Man United Qorshaynayso in ay bixiso lacagta 120 milyan ee euro ah ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa kooxda Atletico Madrid.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa xagaagii hore ku dhawaaday in uu ku biro Barcelona laakiin waxa uu ugu dambayn kooxdiisa u saxiixay heshiis cusub.

Waxana la filayay in ay Barcelona si dhib yar ku dhamaystirto saxiixiisa marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga.

Laakiin Barcelona ayaa haatan tartan adag kala kulmaysa Man City kuwaas oo doonaya in ay pep Guardiola u soo gacan galiyaan xiddiga si uu ugu guulaysto champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*