Man United & Chelsea Oo Loo Sheegay Halka Wado Oo Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Philippe Coutinho, Balan Qaad Kaliya Ayaa Ka Xiga.

Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil ee Philippe Coutinho kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda ku guulaystay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Man United iyo Chelsea ayaa la sheegayaa in ay Philippe Coutinho ugu soo celin karaan premier league balan qaad ay u balan qaadaan in uu noqon doono xiddiga ugu muhiimsan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Hadalkaas ayuu yidhi khabiirka ka hadla ciyaaraha Spain ee Guillem Balague kaas oo rumaysan in ku biirista Antoine Griezmann ee Barcelona ay keenai karto ka tagista Coutinho ee Barcelona.

Antoine Griezmann ayaa xagaagii hore go,aansaday in uu iska sii joogo kooxda Atletico Madrid inkasta oo ay Barcelona si aad ah u doonaysay adeegiisa.

Laakiin haatan waxa uu ku biiri karaa Camp Nou kadib markii uu xaqiijiyay in uu isaga tagi doono Atletico Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Taas ayaa keentay in Coutinho oo ku dhibaatoonaya Barcelona tan ilaa markii uu ka tagay Liverpool uu isaga baxsan doono kooxda Barcelona xilli uu xiiso ka helayo kooxaha Man United iyo chelsea.

Guillem Balague ayaa sheegay in halka wado ee ay kooxaha Chelsea iyo Man United ku heli karaan xiddiga reer Brazil tahay in ay u balan qaadaan in uu noqon doono xiddiga ugu muhiimsan kooxda sidii uu muhiim uga ahaa kooxda Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*