Man United Oo Go,aansatay In Ay Iska Iibiso David De Gea & Badalkiisa Oo Ay Haatanba Heshootay

Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in ay kooxda Man United go,aansatay raadinta badalka Goolhaye David De Gea kaas oo ay isku diyaarinayso in ay iska iibiso inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Goolhaye David De Gea ayaa bartilmaameed u ah kooxo badan oo reer yurub ah waxana ay u muuqataa in uu isaga tagi doono Old Trafford si uu uga ciyaaro champions Leage xilli ciyaareedka dambe.

Man United ayaa ku fashilantay in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay kaalinta 6-aad kaga dhamaysataya kala saraynta horyaalka premier League.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay Man United ka fikirayso in ay iska iibiso goolhayaha inta lagu jiro suuqa xagaaga kadib markii ay ku fashilantay in ay heshiis cusub ka saxiixato.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Man United u dhaqaaqayso goolhayaha 2-aad ee koxoda Barcelona ee Jasper Cillessen si ay uga dhigaan badalka Goolhaye De Gea.

Jasper Cillessen ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu u helo koox uu si joogto ah ugu ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.