Man United Oo Ku Qasbanaan Karta In Ay Alexis Sanchez Siiso Lacag Si Uuna Ugu Ciyaarin Xilli Ciyaareedka Dambe.

Kooxda Man United ayaa ku qasbanaan karta in ay Alexis Sanchez jeebka ugu shubto lacag dhan 12 milyan oo euro si uuna xilli ciyaareedka dambe ugu ciyaarin kooxda.

Xiddiga reer Chile ayaa ku fashilmay United tan ilaa markii uu kaga soo biiray kooxda Arsenal 16 bilood ka hor markaas oo uu qalinka ku duugay heshiis 4 sano iyo badh ah oo uu todobaadkii ku qaadanayo 500 kun oo Gini.

Kadib markii uu dhaliyay kaliya hal gool premier League xilli ciyaareed buuxa, United ayaa si aad ah u doonaysa in ay iska fasaxdo Sanchez marka la gaadho suuqa xagaaga.

Inter Milan ayaa ah kooxda xiisaha u qabta adeegiisa ee ay u badantahay in uu ku biiro waliba qaab amaah ah laakiin waa in ay bixiyaan kala badh mushaharkiisa todobaadkii oo dhan 250 kun oo Gini si uu ugu biiro Inter.

Kooxda Inter Milan ayaa wakiilka xiddiga u adeegsanaysa in uu ka caawiyo sidii ay u heli lahaayeen xiddiga xilli uu tababare Ole Gunnars Solskjaer laftiisu uu dib u dhis ku samaynayo kooxdiisa.

Solskjaer ayaa haatanba diyaarsaday xiddigaha uu doonayo in uu kooxda ku soo daro laakiin waxa uu markale hore u baahan yahay in uu iska fasaxo xiddigo si uu u helo boosas.

Inter ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay United ka hesho saxiixa xiddiga Romelu Lukaku kaas oo laftiisu qirtay in uu ku riyoodo ka ciyaarista horyaalka Serie A-da halka uu Paul Pogba ku dhaw yahay ku biirista kooxda Eeal Madrid.

United ayaa si aad ah u doonaysa in ay iska iibiso Sanchez laakiin mushaharka uu qaato ayaa ah mid aad u bada taas oo hor istaagaysa heshiis kasta sidaas darteed waa in ay kala badh bixiyaan si ay ugu yaraan amaah ugu diraan heshiiskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*