Mauro Icardi Oo Si Adag Uga Hadlay Mustaqbalkiisa Kooxda Inter Milan , Maxuu Go`aansaday?

Weeraryahanka Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa ka hadlay wararka sheegaya in xagaagaan uu ka huleelayo kooxdaas isla markaana go`aankaas uu dhamaad yahay

Warar soo baxay ayaa xusayay in xiddigaas reer Argentina uu Juventus la gaaray hishiis uu ku ogalaanayo in xagaagaan uu u wareego.

Icardi ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay sawir isaga oo xeran maaliyadda Inter waxa uuna ku qoray” waxa ay saxaafadda iga qoreen warar iga dhan ah”

“Waxaan jeclahay in aan taageerayaasha u sheego in aan maamulka koxoda marar badan u sheegay in aan doonayo in aan Inter sii joogo”

” Yaan la rumeysan wararka saxaafadda ee ka ganacsata beenta , ma jirto wax kale ee aan sameyn karo ee aan ku cadeynayo in aan kooxda sii joogayo” ayuu si raaciyay Icardi
Mauro Icardi ayaa kooxaha kale ee iyana xiiseynayay saxiixiisa waxaa ka mid ah PSG , Real iyo kooxda Chelsea

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*