Maxay Doonista Barcelona ee Antoine Griezmann Ula Macno Tahay Mustaqbalka Philippe Coutinho Ee Barcelona?

Wakhtigii Philippe Coutinho ee kooxda Barcelona ayaa soo dhamaaday iyada oo ay kooxda Barcelona isku diyaarinayso in ay xagaaga u dhaqaaqdo suuqa kala iibsiga xagaaga xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Tababare Ernesto Valverde ayaa doonaya in uu iska iibiyo xiddiga Philippe Coutinho si uu lacagtiisa ugu dhaqaaqo xiddiga reer France ee Antoine Griezmann marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda Barcelona ayaa bixin doonta lacagta 120 milyan ah ee lagu bur-burin karo heshiiska Antoine Griezmann ee kooxda Atletico Madrid marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sidaas darteed Barcelona ayaa u baahan in ay iibiso xiddigo ka mid ah kooxdeeda si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Antoine Griezmann sidaas darteed Barcelona ayaa go,aansatay in ay iska iibiso xiddiga reer Brazil ee Coutinho.

Xaalada ayaan u fiicnayn maamulka Barcelona kuwaas oo doonaya in ay dib u soo ceshadaan 145-kii milyan ee euro ee ay ka soo bixiyeen xiddiga markii uu joogay kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa doonaysa ugu yaraan 100 milyan oo euro hadii ay doonayaan in ay ka iibiso kooxaha doonaya adeega xiddiga reer Brazil marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*