Maxay Tahay Sababta Gareth Bale U Diidan Yahay In Uu Dib Ugu Laabto Tottenham?

Wargeyska Mirror ayaa qoraya in Gareth Bale uusan dooneyn in uu dib ugu soo laabto kooxdiisa hore Tottenham.

Waxaa horay u soo baxay warar sheegaya in Real Madrid ay u bandhigeen Tottenham saxiixa laacibkooda hore ee Bale.

Laacibkaas 29 sano jirka ah ayaa ka sheeganaya hoos u dhac ku yimid heer ciyaareedkiisa , waxa uuna kooxdaas la joogaa haatan xilli ciyaareedkiisa lixaad.

Wararka waxa ay sheegeen in Bale uusan dooneyn in uu ku laabto Tottenham basle uu doonayo koox kale oo u dhiganta Real

Gareth Bale waxa uu doonayaa koox uu ka helayo mushaar u dhigma kan Real uu ka qaato haatan ee gaaray 600 oo kun todobaadkii

Gareth Bale ayaa laga fogeeyay labadii kullan ee ugu dambeeyay ee horyaalka inkastoo jir ahaan uu diyaar buuxa ahaa .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*