Miyuu Ramos Ciyaarayaa Kulanka Ugu Dambeeya La Ligaha Ee Axada Mise ?.

Daafaca Real Madrid ee Ramos ayaa ku soo laabanaya shaxda kooxda ee kulanka xadda ee ugu dambeeya horyaalka Spain kaasi oo ay la ciyaarayaan kooxda Real Betis .

Ramos ayaa ka maqnaa todobadii kullan ee ugu dambeeyay ee Real ciyaartay sababo la xariira dhaawac haleelay .

Kulankii ugu dambeeyay ee uu saftay waxa uu ciyaartii Valencia xilligaas oo ay kooxdiisa looga badiyay 2/1 balse haatan diyaar buuxa ayuu u yahay in uu safto kulanka soo socda.

Tababare Zidane ayaa kulamadaas uu maqnaa Ramos waxa uu dhanka daafaca kaga tiirsanaa Jesús Vallejo ,Nacho iyo Varane

Ka dib marka uu soo laabtay Ramos , Real kaliya waxaa haatan dhaawac kaga maqan Álvaro Odriozola kaasi oo jabay bishii hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*