Mourinho OoShaaciyay Xilliga Uu Shaqada Tababaranimo Uu Ku Soo Laabanayo , Messi-na Waa Uu Ka Fogeeyay Abaal Marinta K/Dahabka

Tababarahii hore Man United ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa isaga oo dhanka kale xusay sababta uusan Messi sanadkaan ugu qalmin ku guuleysiga abaal marinta kubadda dahabka

RMS Sport ayuu Mourinho ka yiri ” maal gashi wacan ayaa ka jira France waa uuna sii kobcayaa sidaa darteed maxaa diidaya in aan halkaas ka shaqeeyo maalin uun”.

Mar la weydiiyay mustaqbalkiisa tababarnimo iyo xilliga uu garoomada ku soo laabanayo ayuu Jose Mourinho yiri ” waxaan rajeynayaa in July bilaabo mashruuc aan dhab ahaantii jecelahay balse maanta idinma sheegayo oo maalmaha soo socda ayaad oganeysaan”.

Arinta kubadda dahabka sanadkaan ayaa wax lag weydiiyay waxa uuna Jose yiri “shaki iigama jiro in Messi mudaneyd sanadkaan in uu ku guuleysto abaal marintaas maxaa yeelay waxa uu ku fashilmay Champion-ka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*