Mulkiilaha Chelsea Oo Calameystay Shaqsiga Uu Ku Badali Doono Tababre Sarri

Kooxda Chelsea ayaa calaameystay badalka la filayo ee tababare Sarri kaasi oo warar badan tilmaamayaan in laga kaaftoomi doono

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maamulka Chelsea u arkaan Sarri mid aan ku habooneyn tiigsiga Chelsea iyo hab ciyaareedka kooxda

Clacio Mercato ayaa sheegeysa in mulkiilaha Chelsea uu doonayo maamule qibrad hore u leh jawiga kooxda waxa uuna u arkaa xiddigii hore koxodaas ee Lampard mid ku haboon shaqada maamulka kooxda.

Sidaas oo ay tahay taageerayaasha Chelsea ayaa dhankoooda u gacan haatiyaya in Lampard loo dhiibo maamulka kooxda laga bilaabo xilli ciyaareedka dambe .

Arintaan ayaa imaaneysa xilli macalin Sarri dhankiisa lala xariirinayo horyaalka Italy gaar ahaan kooxaha AC Milan iyo Roma

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.