Muxuu Tababare Pep Guardiola Ka Yiri Wararka La Xariirinaya Kooxda Juventus ?

Tababaraha Man City ee Pep ayaa ka hadlay wararka durba suuqa soo galay ee sheegaya in xilli ciyaareedka dambe uu hogaaminayo koxda Juventus .

Juve ayaa maanta shaacisay in tababare Allegri uu kooxda ka huleelayo marka horyaalka Italy uu soo xermo todobaayo ka dib .

Kulan wareed ayuu Ppe ku yiri ” imisa jeer ayay haboon tahay in aan idin sheego, uma socdi Juventus , uma socdi horyaalka Itraly”.

” Halkaan City ayaan ku faraxsanahay meel kale uma socdo , waxaan sii ahaanayaa tababaraha City” ayuu sii raaciyay tababare Pep

Macalinkaas 48 sano jirka ah ayaa maalmo ka hor waxa uu City ku hogaamiyay horyaalka Ingiriiska waxa uuna u yahay kiisii labaad ee xariir ah tan iyo markii uu kooxdaas yimid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*