Ole Gunnar Solskjaer Oo Xiddigaha Kooxdiisa U Sheegay In Ay Taageeraan Man City Finalka FA Cup-ka Kadib Guuldaradii Cardiff City Ka Soo Gaadhay, Sabab.

Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddigaha kooxdiisa u sheegay in ay taageeraan kooxda ay jaarka yihiin ee Man City finalka FA Cup-ka waliba rajeeyaan in ay ku guulaysato koobka kadib guuldaradii United maalintii ugu dambaysay ka soo gaadhay Cardiff City.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa daawaday kooxdiisa oo guuldaro 2/0 ah kala kulantay kooxda Cardiff City kulan ka dhacay Old Trafford ahaana kulankii ugu dambeeyay xilli ciyaareedkooda.

Natiijadaas ayaa la macno ahayd in ay Red Devils 32 dhibcood ka dambayso kooxda ku guulaystay horyaalka premier League ee Man City.

Man United ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u liita kulankii Cardiff City iyaga oo ku dhamaystay kaalinta 6-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer si weyn ugu xanaaqay xiddigaha kooxda isaga oo waliba u sheegay xiddigaha kooxdiisa in ay rajeeyaan in ay City ku guulaysato FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

City ayaa FA Cup-ka la ciyaari doonta kooxda Watford kulan sabtida ka dhici doona garoonka Wembley xilli ay City isha ku hayso in ay ku guulaysato saddexley koobab ah.

Sababta uu Ole Gunnar Solskjaer u doonayo in ay City ku guulaysato ayaa ah in uu ka fogaado is reeb-reeb ay kooxdiisu u gasho tartanka Europa Leageu xilli ciyaareedka dambe.

Taas ayaa United ku qasbaysa in ay xilli ciyaareedkooda bilowdaan wakhti ka horeeya kooxaha kale ee premier League ugu waaweyn taas oo ah mid uuna tababaruhu doonayn in ay dhacdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*