PSG Oo Si Lama Filaan Ah Bartilmaameed Uga Dhigatay Roberto Firmino & Aubameyang

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa si lama filaan ah isgu diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigaha weerarka ka ciyaara ee Roberto Firmino & Pierre-Emerick Aubameyang sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha Kooxda PSG ee Thomas Tuchel ayaa xiddigaha Roberto Firmino & Pierre-Emerick Aubameyang u calaamadsaday bartilmaameedkiisa 1-aad inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaay weerarka uga ciyaaraan xiddigo heer caalami ah kuwaas oo kala ah Neymar, Kylian Mbappe & Edinson Cavani.

Paris Saint-Germain ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay da,yarka Mbappe laakiin Xddigaha Neymar iyo Cavani ayaa lala xiriirinayaa in ay ka tagayaan kooxda xagaaga.

BBC Sport ayaa sheegaysa in hadii ay xitaa boorsa weynta PSG tababare Tuchel u ogolaato rabitaankiisa dalabyona ka gudbiso xiddigaha uu doonayo laakiin kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa diidi doona dalabyadaas.

Weeraryahanka Reds ee Firmino oo 27 jir ah ayaa door muhiim ah ka qaatay kooxda Jurgen Klopp tan ilaa markii uu kaga soo biiray kooxda Hoffenheim waxana ay dhawaan ka saxiixdeen heshiis cusub oo 5 sano ah.

Dhanka kale xiddiga Arsenal ee Aubameyang ayaa ku guulaystay gool dhalinta premier League xilli ciyaareedkan isaga oo kula guulaystay xiddigaha Liverpool ee Mane iyo salah.

PSG ayaana tartan adag kala kulmi doonta kooxda Real Madrid kuwaas oo xiddiga reer Gabon Laftooda ku doonaya lacag dhan 75 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*