Qorshaha Jurgen Klopp Ee Suuqa Kala Iibsiga Oo La Ogaaday Kadib Markii Uu Ogaaday Qiimaha La Siin Doono

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa loo sheegay lacagta farta laga saari doono si uu suuqa ugu galo uguna xoojiyo kooxdiisa kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay soo qaadatay kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan.

Tababare Jurgen Klopp ayaa bartilmaameedsan doona 2 saxiix inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii uu ogaaday lacagta loo siin doono si uu suuqa ugu galo sida ay sheegayaan wararku.

Liverpool ayaa xagaagii hore suuqa galisay lacag dhan 163 milyan oo euro oo ay kula soo wareegeen xiddigaha Alisson iyo Naby Keita laakiin Reds ayaa suuq dagan lahaan doonta xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo lala xiriirinayo weeraryahanka RB Leipzing Timo Werner iyo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Bayer Leverkusen hadana Liverpool ayaan la soo saxiixan doonin xiddig qiimihiisu ka badan yahay 13 milyan oo euro.

Warkaas ayaa laga soo xigtay saxafiga BBC-da ee David Ornstein kaas oo sheegay in uu Klopp suuqa u gali doono kaliya laba daafac oo garabaha ah iyo weeraryahan suuqa xagaaga.

Xiddigaha Alverto Moreno iyo Nathaniel Clyne ayaa isaga tagi doono Liverpool xagaaga sidaas darteed Klopp ayaa u baahan xiddigo uu ku nasiyo xiddigaha Andy Robertson iyo Trent Alexander-Arnold.

Daniel Sturridge ayaa sidoo kale la filayaa in uu isaga tago kooxda waxana uu Klopp siku dayi doonaa in uu helo xiddig weerarka ah.

Klopp ayaa doonaya weeraryahan ka ciyaari kara saddex boos ee weerarka ah laakiin aan doonayn weeraryahan ka ciyaari kara kaliya No.9.

Saxafiga ayaa intaas ku daraya in uu Klopp samayn doono 2 ama 3 saxiix ilaa marka laga reebo in uu helo xiddig bartilmaameed weyn u ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.