RASMI: Pep Guardiola Oo Ku Guulaystay Tababaraha Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan

Tababaraha Kooxda  Man City ee Pep Guardiola ayaa ku guulaystay tababaraha ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay kooxdiisu xilli ciyaareedkii 2-aad oo xiriir ah difaacatay horyaalka prmier League.

Tababare Pep Guardiola ayaa abaalmarinta ku guulaystay markii 2-aad oo xiriir ah kadib markii uu sanadkii hore ku guulaystay abaalmarintan tababaraha ugu fiican premier League.

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa ku garaacay abaalmarinta tababarayaasha Jurgen Klopp (Liverpool), Mauricio Pochettino (Tottenham) iyo Nuno Espírito Santo (Wolves).

Kooxda Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay ku garaaceen Liverpool xilli ciyaareed cajiib ah oo ay Citizen soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.

Maamulka Premier league ayaa xaqiijiyay in uu Pep Guardiola ku guulaystay tababaraha ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyo waliba markii 2-aad oo xiriir ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*