Real Madrid Oo So Afjartay Saxiixa Luka Jović, Goorma Ayaa Lagu Dhawaaqayaa

Sky Sport ayaa shaaca ka qaaday in Real Madrid ay soo afjareen hishiiska gool dhaliyahii kooxda Eintracht Frankfurt ee Luka Jović.

Shabakada ayaa barteeda Internet-ka soo dhigtay in Real hishis ka saxiixdeen laacibkaas reer Serbia kaasi oo gaaraya muddo 5 snao ah

Warka waxa uu intaas ku darayaa in kooxda reer Jarmal iyana ay helayaan dhankooda aduun dhan 60 milyan oo euro oo 21 sano jirkaas hore Benfica ugu wareegayo Real Madrid .

Hishiiskaas ayaa la filayaa in Real ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan todobnaadka dambe oo kooxda Eintracht Frankfurt ciyaarayeyso kulankooda ugu dambeeyay xilli ciyaareedka ,

Real waxa ay laacibkaas siinayaan mushaar sanadkii gaaraya 10 milyan oo euro waxaana qiimaha iibkiisa 12 milyan ka mid ah la siinayaa Benfica oo ay markii hore ku hishiiyeen in qeyb ka siiyaan lacagta haddii ay dhacdo in ay sii iibiyaan laacibka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*