Real Oo U Dhaw In Ay Soo Afjaraan Hishiiskooda Labaad Ee Xagaaga , Xiddig Cajab Ah Ayay Soo Wadaan

Ilo waredyo ay qorayaan saxaafadda Spain ayaa sheegaya in Real Madrid ay u muuqdaan kuwo dhab ahaan soo afjaraya hishiiskoodii labaad ee suuqa kala wareegga xagaaga .

Real waxa ay bishii March shaaciyeen in hishiiskooda ugu horeeyay xagaaga sameeyeen iyaga oo daafaca FC Porto ku helay 50 milyan oo euro .

Laacibkaas reer Brazil ee 21 snao jirka ah ayaa ku fiican ka ciyaaridda garabka bidix iyo daafaca buuxa waxa uuna la joogayaa illaa iyo xagaaga 2025-ka .

Haatan wargeyska El Mundo Deportivo ayaa qoraya in Real ay hishiis la gaareen garabka bidix kooxda Lyon wiilka rere France ee Ferland Mendy.

Wargeyska ayaa xusya in Real ay hormar wacan ay ka sameyeen maalmihii la soo dhaafay wadahadaladda ay kula jiraan laacibka kaliyana waxa harsan in ay is fahmaan maamulka kooxda Lyon.

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Real ay soo xero gilinta 23 sano jirkaas ay uga baxeyso qarash dhan 50 milyan oo euro .

Ferland Mendy ayaa lagu tirayaa xiddigaha ay ku tiirsan tahay kooxda Lyon waxa uuna xilli ciyaareedkaan saftay 42 kullan dhamaan tartamada ay ku jiraan waxa uuna dhaliyay sedex gool halka sedex kalana uu sameeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*