Salah, Jovic, Griezmann, Lewandowski, Alonso, Dembele & Wararkii Ugu Dambeeyay ee Suuqa Kala Ibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha reer yurub haatanba bilaabi doonaan sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen xiddigaha ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo la furi kara xiddigaha iyo waliba kooxaha ay ka doonayaan si ay u dhamaystiraan adeegooda

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Real Madrid ayaa dalab Rasmi ah ku tijaabin doonta go,aanka Liverpool ee mustaqbalka Mohamed Salah (Canal+).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Eintracht Frankfurt ee Luka Jovic ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Real Madrid (Sky Sport).

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ee Antoine Griezmann kaas oo ku dhawaaqay in uu isaga tagayo kooxda (Goal.com).

Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay Barcelona ku garaacdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann (Sport).

Kooxda Man United ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo 30 jirku diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa (Kicker).

Weeraryahanka kooxda Lyon ee Moussa Dembele ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah kooxda Man United inta lagu jiro suuqa xagaaga (Sun).

Wakiilka Alexis Sanchez ayaa wadahalo la qaatay kooxaha Inter Milan iyo Juventus kuwaas oo uu doonayo in uu xiddigu ku biiro xagaaga (Corriere dello Sport).

Wakiilka Paulo Dybala ayaa xaqiijiyay in uu xiddigu isaga tagi doono kooxda Juventus xagaagan xilli uu xiiso ka helayo kooxaha Man United iyo Atletico Madrid (Mirror).

Kooxda Atletico Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Chelsea ee Marcos Alonso (AS).

Xiddiga u ciyaara Bayer Leverkusen ee Julian Brandt ayaa iska diidi doona Liverpool iyo Tottenham si uu isaga sii joogo horyaalka Germany (Mirror).

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa si toos ah ula xiriirtay goolhayaha kooxda Trabzonspor ee Ugurcan Cakır (Express).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddigaha weerarka ka ciyaara ee Marcus Rashford iyo xiddigaha Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang Iyo Alexandre Lacazette (Mundo Deportivo).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Wilfried Zaha ayaa doonaya in uu dib ugu biiro kooxda Man United hadii ay dalab ka gudbiyaan adeegiisa (Telegraph).

Kooxda Liverpool ayaa lacag ku dhaw 100 milyan oo euro ka heli doonta xiddigaha ay iibinayso suuqa xagaaga iyada oo iibinaysa xiddigo ay ku jiraan Marko Grujic & Harry Wilson (Mail).

Dani Alves aya doonaya in uu ku soo biiro horyaalka premeier League inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga (Mail).

Kooxda Man United ayaa Bayern Munich kula biirtay tartanka loogu jiro xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Ajax ee Hakim Ziyech (Sun).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*