Sane, Griezmann, Pogba, Hazard, Martial, Bale, Sanchez & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga.

Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Bayern Munich ayaa wadahadalo la furtay kooxda Man City kaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Leroy Sane (Record).

Guuldradadii Barcelona ka soo gaadhay Liverpool champions League ayaa ku qasabtay in ay la soo saxiixdaan weeraryahan waxana ay doonayaan saxiixa Antoine Griezmann kaas oo xaqiijiyay in uu ka tagi doono Atletico Madrid (Marca).

Madaxweynaha Horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa xaqiijiyay in uu Antoine Griezmann la heshiiyay koox bixin doonta lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa (Cope).

Antoine Griezmann ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu ku biiri karo kooxda Liverpool marka la gaadho suuqa xagaaga (ESPN).

Kooxda Real Madrid ayaa talaabo muhiim ah u qaaday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba iyaga oo miiska u saaray Man United lacag dhan 150 milyan oo euro (Independent).

Inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in ay Real Madrid iyo Chelsea ka heshiiyeen qiimaha Eden Hazard oo dhan 100 milyan oo euro hadana Xiddiga reer Belguim ayaa ka cabsi qaba in ay chelsea ku sii hayso kooxda (Evening Standard).

Eden Hazard ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu qaatay go,aankiisa uu ugu biirayo kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan (Express).

Xiddiga reer Belguim ayaa kooxdiisa chelsea ku qasbi doona in uu ku biiro kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga (Sun).

Xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid ee Gareth Bale ayaa iska diiday fursad uu ugu soo laaban doono Tottenham isaga oo sheegay in uuna wax deg-deg ah ku jirin si uu uga tago Real Madrid (Mirror).

Kooxda Juventus ayaa Man City u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 60 Milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa daafaca Joao Cancelo iyo waliba hadii uu xiddigu dalbado in la iibiyo (Calciomercato).

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa loo sheegay in aanu iibin karin xiddiga garabka uga ciyaara kooxda ee Anthony Martial (ESPN).

Kooxda Man United ayaa laga yaabaa in ay Alexis Sanchez jeebka ugu shubto lacag dhan 12 milyan oo euro si uuna mar kale ugu ciyaarin kooxda iyaga oo ka iibin doona Inter Milan (Mirror).

Kooxda Barcelona ayaan Philippe Coutinho u ogolaan doonin in uu kooxda kaga tago wax ka yar 100 milyan oo euro marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga (Sport).

Kooxda Man United ayaa gabi ahaan isaga hadhay xiisaha ay u qabtay saxiixa daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibably iyaga oo haatan diirada saari doona xiddiga Leicester City ee Harry Maguire iyo daafaca Inter Milan ee Milan Skriniar (Independent).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*