Sergio Aguero Oo Ku Qasbanaaday In Uu Kala Cadeeyo Hadal Uu Ka Yidhi Abaalmarinta Ballon d’Or-ka 2019

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa kala cadeeyay hadalkii uu ka yidhi xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ee ku saabsanaa abaalmarinta Ballon d’Or-ka 2019.

Sergio Aguero ayaa sheegay in ayna xiddigaha Ronaldo iyo Messi in ayna u qalmin ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or-ka laakiin ay tahay in la siiyo xiddiga ay kooxdiisu ku guulaysato tartanka champions League.

Hadalka Aguero ayaa la macno ah in uu doonayo in ay abaalmarintan sanadkan ee Ballon d’Or ku guulaystaan mid ka mid ah xiddigaha Liverpool iyo Tottenham hadii ay kooxdoodu ku guulaysato tartanka.

Laakiin xiddiga ayaa hadalkiisa kala cadeeyay isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu baraha bulshada soo dhigay” Ma jecli in aan ka hadlo waliba kala cadeeyo hadal la sameeyay oo aanan anigu odhan, laakiin waa in aan kala cadeeyo”ayuu ku qoray bartiisa bulshada.

“Si aan u kala cadeeyo waxa aan waligay odhan jiray, inta uu Lionel Messi ciyaarayo kubada cagta wuu u qalmaa Ballon d’Or.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*