Sida Ay Noqon Doonto Shaxda Liverpool Xilli Ciyaareedka Dambe Hadii UU Jurgen Klopp Helo Laba Xiddig

Kooxda Liverpool ayaa shaki la,aan haysata shaxda ugu fiican premier League taas ayaa la macno ah in uuna Jurgen Klopp cadaadis weyn ku jirin sidii uu u xoojin lahaa kooxdiisa marka uu Khamiista furmo suuqa kala iibsiga xagaagu.

Laakiin si ay xilli ciyaareedka dambe koobabka ugu tartanto tababaraha Liverpool ayaa ogsoon in uu u baahan yahay in uu la soo saxiixdo laba ama saddex xiddig oo sax ah hadii uu fursad u helo.

Liverpool ayaa lala xiriirinayay xiddigo badan bilihii ugu dambeeyay laakiin Klopp ayaa og meesha uu doonayo in uu ka xoojiyo kooxdiisa marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Klopp ayaa suuqa galiyay lacag badan laakiin kaliya lacagtaas ku soo iibsaday xiddigihii uu doonayay isaga oo aan u dhaqaaqin xiddigaha badalka u ah xiddigaha uu doonayo.

Labada xiddig ee sida weyn loola xiriirinayay todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa ah xiddiga Nabil Fekir oo uu adeegiisa doonayay ilaa suuqii xagaagii hore iyo xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo sida ay noqon doonto shaxda Liverpool xilli ciyaareedka dambe hadii uu helo labada xiddig ee uu doonayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*