United Oo Si Dhab Ah Ugu Dhaqaaqeysa Saxiixa Lewandowski ,Imisa Ayay Ka Geeynayaan?

Man United ayaa lagu waramay in dalab toos ah ay ka geynayaan saxiixa weeraryahanaka kooxda Bayern Muncih ee Robert Lewandowski.

Ma aha markii ugu horeeysay ee United haminayaan saxiixa laacibkaas marar badan ayay daba joogeen waxaana ugu dambeysay xagaagii hore

Arintaan ayaa imaaneysa xilli la xusayo in laacibka uu ka soo horjeestay in hishiis cusub uu u saxiixo kooxdaas ka dhisan qalcadda Allianz Arena .

Wargeyska Kicker ee Jarmalka ka soo baxa ayaa sheegaya in Munic ay markii ugu dambeysay ay isku dayi doonto in laacibka ku qanciyaan in hishiska uu kordhiyo xilli midkisia haatan uu dhacayo 2021-da

Warka waxa uu intaas ku darayaa in wiilka reer Bolland uu haatan si weyn uga fikarayo in uu baxo waxa ayna United ay loollan kala kulmeysaa koxoda PSG oo iyana dooneysa saxiixiisa
Sidaas oo ay tahay , United ma shaacin qiimaha ay ku doonayaan 30-sano jirkaas weerarka ku fiican .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*