Wakhtiga Ay Barcelona Dhamaystiri Doonto Saxiixa Antoine Griezmann Oo La Ogaaday.

Waxa ay u muuqataa in ku biirista Antoine Griezmann ee kooxda Barcelona si aad ah u dhawaatay kadib markii uu xiddigu xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Atletico Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Fracne ayaa muddo 5 sano ah ku soo qaatay kooxda Atletico Madrid isaga oo kula soo guulaystay koobab ay ka mid yihiin Horyaalka La Liga iyo waliba koobka Europa League.

Barnaamijka El Chiringuito ayaa sheegay in maamulka Barcelona bilaabeen talaabooyinkii ay ku dhamaystiri lahaayeen saxiixa xiddiga reer France maalmaha yar ee soo socda.

Isla Barnaamijka ayaa sheegaya in uu madaxweynaha kooxda Barcelona ku war galiyay dadka ku dhaw in ay Barcelona dhamaystiri doonto saxiixa Antoine Griezmann Isniinta soo socota maadama ayna doonayn in ay sii sugaan si ay koox kale u soo gadho tartanka.

Griezmann ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo Atletico Madrid sanad kadib markii uu heshiis cusub u saxiixay kooxda Ka dhisan caasimada Spain.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa si aad ah ugu dhawaaday in uu ku biro kooxda Barcelona xagaagii ka hor koobkii adduunka laakiin waxa uu si lama filaan ah heshiis cusub u saxiixay kooxda Atletico.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*